Booliska Soomaaliya oo goobaha ganacsi ee Muqdisho u diray digniin sharci, iyada oo bandhigay dhalinyaro loo heysto anshax-xumo ah

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay 10 dhalinyaro ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen sida hadalka loo dhigay duubista iyo baahinta muuqaallo ay boolisku ku tilmaameen kuwo anshax-xumo iyo meel ka dhac ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaashu muddo ku hawlanaayeen faafinta muuqaallo lagu baahin jiray baraha bulshada sida TikTok, YouTube iyo Facebook, kuwaas oo uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Cabdifitaax Aadan Xasan, inay saameyn taban ku yeesheen bulshada, gaar ahaan dhalinyarada. Wuxuu xusay in dhammaan eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad si sharciga loo mariyo, isla markaana hay’adaha amniga ay sii wadaan baaritaanno la xiriira kiiskan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan qabashada cid kasta oo lagu helo falal la mid ah kuwa lagu eedeeyay dhalinyaradan. Wuxuu digniin u diray maamullada hoteellada iyo goobaha kale ee lagu duubo muuqaallada noocan oo kale ah, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan fududeynta ama martigelinta falal ka hor imanaya sharciga iyo anshaxa bulshada.

“Ka yeeli mayno in waa daba taaganahay kuwo kale waa soo qabanaynaa, kuwaanne hadda si dhaqsi ah Maxkamad la horgeynaa—xukunna ugu dhici doonaa” ayuu yiri afhayeen Cabditifaax.

Dhanka kale, Taliska Booliska ayaa ku dhawaaqay in markii ugu horreysay Soomaaliya laga hirgeliyay xarun u gaar ah dabagalka iyo baarista dambiyada internet-ka, taas oo la sheegay inay xoogga saari doonto la-dagaallanka dambiyada tiknoolajiyadda.

Booliska ayaa uga digay dadka isticmaala baraha bulshada inay ilaaliyaan sharciga iyo dhaqanka bulshada, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed