Soomaaliya iyo toobiya oo war ka soo saaray iskaashiga amniga Geeska Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan Itoobiya ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaare, Abiy Axmed, waxaana diiradda lagu saaray sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga ee Geeska Afrika oo hadda wajahaya xaaladda adag oo amni.

Sida lagu sheegay war ay soo saareen madaxda labada dal, kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyo sidii labada dowladood ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Abiy Axmed ugu hambalyeeyay guushii uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay Itoobiya horaantii bishaan Juun, isaga oo u rajeeyay sida la tilmaamay inuu sii wado dadaallada lagu horumarinayo dalka iyo adkeynta xasilloonidiisa.

Kulankan ayaa qeyb ka ah sida Madaxtooyada Soomaaliya ay carrabowday dadaallada diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Geeska Afrika, xilli ay taagan tahay arrinta xiriirka Somaliland iyo Israa’iil. Soomaaliya ayaa sheegtay inay mudnaanta siinayso adkaynta xiriirka dalalka deriska ah iyo wada-shaqaynta lagu wajahayo caqabadaha amni iyo dhaqaale ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa intii u dhexeysay 21-ka ilaa 26-ka Bishan Juun booqashooyin ku tegay Kenya iyo Jabuuti, halkaas oo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalalkaas diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya waddamada gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed