Puntland oo qorshaha Dawlada Soomaaliya ciidamo kaga qoranayso deegaannadeeda ka hortimid

Xukuumadda Puntland ayaa maanta soo saartay awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in ciidamo aan ka tirsanayn maamulkaasi ay ku sugnaadaan ama isaga kala gudbaan deegaannadeeda, iyadoo sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya aysan ka howlgeli karin Puntland illaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya  DFS iyo Puntland.

Go’aankan ayaa ka soo baxay shir Golaha wasiirada Puntland maanta uga qabsoomay ka xarunta shirarka ee Garoowe kaas oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo uu wehelinayay Ku-xigeenkiisa, Ilyaas Cismaan Lugatoor. Golaha ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga xallinayo qodobo ay sheegtay inay isku hayaan iyaga iyo DFS oo ay ku jirto hannaanka loo marayo dhismaha ciidan qaran oo heer federaal ah.

“Goluhu wuxuu faray dhammaan Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda ee Dowladda Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin isagana gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsanayn Ciidammada Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka Punltand.

Sidoo kale, Waxa war saxaafadeedka lagu sheegay in cid kasta oo ku xadgudubta shuruucda iyo qawaaniinta Puntland laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, iyadoo shacabka loogu baaqay inay ka qayb qaataan sida hadalka loo dhigay ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.

Go’aanka Puntland ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay DFS wadday dhaqdhaqaaqyo dib loogu howlgelinayo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hore ugu sugnaa Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in aan ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya lagu arki karin deegaannadiisa ilaa laga gaarayo is-afgarad siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.

Digniinaha Puntland ka soo saartay arintan ayaa imaanaya iyada oo madaxweyne Saciid Deni uu horaantii todobaadkan ka sheegay shirka furitaanka Baarlamaanka in Dowladda Soomaaliya wado qorshe ciidamo looga qoranayo deegaano dhowr oo ka tirsan deegaanka Maamulka.

Ilaa hadda, DFS kama aanay jawaabin awaamiirtan Puntland, wallow dhowr jeer oo hore ay waaxda gaashaandhiggu ku doodeen hab maamulka ciidamada qaranka ay ka go’do Dowladda dhexe oo awood u leh in gobolka ay doonto ciidamo ka qoran karto si loo difaaco dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed