Maamulka Galmudug oo caawa si adag hadalo afka ah ugu weeraray Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa go’aan culus ka soo saaray arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladda federaalka qorsheynayso inay ka qabato deegaannada maamulkaasi.
War-saxaafadeed uu warbaahinta u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Seeko ayu uku sheegay in maamulka uusan aqbali karin guddiga doorashooyinka ee uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan, kadib markii uu eedeeyey inuu ku lug yeeshay sida uu hadalka u dhigay olole siyaasadeed isla markaana uu ka soo ag muuqday sida uu hadalka u dhigay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.
Wasiir Seeko, ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka lagu eedeeyo inuu qeyb ka yahay wuxuu ugu yeeray “olole shaqsiyeed”, taas oo dhaawici karta kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka doorashada.
“Ma aqbali karno guddi doorasho oo qeyb ka ah olole xisbi ama musharrax gaar ah. Waa in la ilaaliyaa hufnaanta, caddaaladda iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada,” ayuu yiri Wasiir Seeko.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay guddi doorasho oo madax-bannaan, dhexdhexaad ah, isla markaana si siman ula dhaqma dhammaan musharraxiinta iyo axsaabta siyaasadeed ee ku tartamaya doorashooyinka Galmudug.
“Doorasho xor iyo xalaal ah waxay ku dhici kartaa oo keliya guddi lagu wada kalsoon yahay, kana madax-bannaan dano siyaasadeed iyo eex kasta,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalkan ka soo baxay Galmudug ayaa imaanaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo isku raacsanaanta dhinacyada siyaasadda ee geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Ilaa hadda, guddiga doorashooyinka kama aanu jawaabin eeddaan culus ee kaga timid maamulka Galmudug oo muujinay tabashooyin uu arimahaan ka qabo, halka guddoomiye Cabdikariim Axmed uusan isna arintan wax war ah ka soo saarin.
HBN ONLINE TV

