Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa safarka Madaxweynaha Somaliland oo maanta uu ku tagay Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo maanta gaaray Israel booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah, uuna ku soo dhaweeyey xafiiskiisa ku yaal magaalada Qudus ee la haysto Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayu uku sheegay inay kaga dhigan tahay “tallaabo taariikhi ah oo furaysa bog cusub” oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Muuqaallo uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Israa’iil ayaa muujinaya madaxweyne Cirro oo salaan ka qaadanaya ciidamo Israa’iili, saxiixaya buug, islama markaana fadhiyo gaar gaar  ah kula jooga madaxweyne Herzog.

“Maanta waxay ka dhigan tahay tallaabo taariikhi ah oo furaysa bog cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Bogga madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa dhankiisa fariin kooban oo af Soomaali ah oo uu ku daabacay boggiisa bulshada wuxuu ku yiri “Ku soo dhawoow Israa’iil, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro”

Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadan taariikhiga ah ay astaan u tahay kartida weyn ee iskaashiga cusub ee u dhexeeya labadeenna dhinac. Wuxuu sheegay in sheegay isaga oo ku hadlayey magaca sida uu hadalka u dhigay lix milyan oo reer Somaliland xukuumadda Israa’iil.

“Maanta waxaan halkaan u taaganahay inaan ku soo gudbiyo salaan, mahadnaq iyo qadarin ka timid lix Milyan oo reer Somaliland ah oo Muslimiin ah, kuwaas oo jooga Hargeysa iyo goobaha kaleba. Maanta waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dowladda Israa’iil, Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo wasiirka arimaha dibadda oo ah nin geesi ah—kaasi oo yimid Hargeysa inkasta oo ay jireen caqabado”

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in muddo 35 sano ah oo ay dalbanayeen aqoonsi madaxda Caalamka ay tahay cidda kaliya ee ka soo jawaabtay Israa’iil.

“Somaliland waxay la hadlaysay, ayna dalbanaysay gacanta madaxda Calamka 35-tii sano ee la soo dhaafay, waxay waydiinayeen Hal su’aal oo kali ah ‘mana arkaysaan?’, kaliya Hal dal ayaa go’aansaday inuu na arko oo uu aqoonsado Somaliland—kaasi oo ah Dowladda Israa’iil iyo Shacabkeeda. Maanta ma ihi kaligay sida aan sheegay waxaan matalaa lix Milyan oo qof oo u mahadcelinaya shacabka iyo xukuumada Israa’iil” ayuu yiri markale Cirro.

Dhanka kale, Madaxweyne cirro ayaa inta uu ku jiray maanta booqashadiisa waxaa meelaha uu tagay ka mid ah qabriga Theodor Herzi oo ahaa ninkii fikradda siyaasadeed u beddelay mashruucii lagu abaabulay dal Yuhuud ah, isla markaana keenay fikraddii horseedday qabsashada dhulkii reer Falastiin.

Booqashada Cirro uu ku tagay Israa’iil ayaa ka dambeysay ka dib markii bishii December ee sanadkii 2025, Ra’isalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhowaaqay in Israa’iil aqoonsatay Somaliland, tillabaadasi oo ay si adag uga hortimid dawlada Soomaaliya kuna tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida & qarannimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa go’aanka Netanyahu si ba’an u cambaareeyay ururo & dalal kala duwan kuwaasi oo qaarkood si cad uga digay tilaabooyinka Israa’iil ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhamaadka todobaadkii hore, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rrinta Somaliland iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay ku tilmaamay mid aan ahayn aqoonsi dhab ah balse uu yahay sida uu yiri “dabin” ay ku dhacayso Somaliland. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi aysan waxba ka beddelayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isla markaana beesha caalamka inteeda badan ay weli Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed