Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa sugan Jowhar, iyada oo la filayo inuu ka hadlo arimo badan oo xaaladda dalka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa lagu wada in khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyo magaalda Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, kadib markii maanta gaaray halkaasi, kana daah-furay dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay caasimadda maamulkaasi.

Goobaha uu xarigga ka jaray waxaa ka mid ah Madaxtooyada Hirshabeelle, xarumaha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda ee maamulkaasi. Dhismayaashan ayaa qayb ka ah mashaariic lagu tilmaamay kuwo horumarineed oo waaweyn oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehliyay goobaha laga daah-furayay mashaariicda, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku bogaadiyay maamulka Hirshabeelle dadaallada lagu hirgeliyay dhismayaashan cusub iyo horumarka ka socda deegaannada maamulkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ku hoyan doonoa Jowhar, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabad loo qabanayo mashaariicda la daah-furay. Munaasabadda ayaa la filayaa in laga jeediyo khudbado ku saabsan horumarka, maamulka iyo xaaladda guud ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed