Xiriirka kubadda cagta ee UEFA ayaa shaaciyay in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan uu dhex-dhexaadin mid kamid ah kulamada kooxda Super Cup, kaas oo ka dhici doona horaanta bisha Agoosto ee sanadkan 2026 dalka Austria.
Sida ay sheegtay UEFA kulankan aad loo sugayo ayaa dhexmari doona kooxaha Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa ee ka kala dhisan Faransiiska iyo England, waxaana uu dhici doonaa sida ku cad jadwalka 12-ka bisha August ee sanadkan.
Warkan ayaa si weyn waxaa u soo dhaweeyay taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliyeed, kuwaas oo u arka tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa sumcadda garsoorka Soomaaliyeed, isla markaana muujinaysa aqoonsiga sii kordhaya ee uu ka helayo kubadda cagta Yurub.
“Waxaa farxad noo ah inaan shaacinno in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka aadka loo sugayo ee u dhexeeya PSG iyo Aston Villa oo ka dhici doona magaalada Salzburg,” ayaa lagu yiri warka UEFA.
Tan ayaa noqonaysa tallaabo loogu hiiliyey Cumar Cartan oo dhawaan loo diiday in uu galo dalka Maraykanka si uu u dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka ee 2026.
HBN ONLINE TV

