Aadan Madoobe oo ku guleystay doorashadii hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, xili uu helay dhamaan codadka Baarlamaanka, marka laga reebo labo cod oo kali ah.

Natiijada uu shaaciyey guddiga doorashooyinka Soomaaliya Aadan Madoobe ayaa helay 88 cod, halka musharaxa kaliya ee la tartamayay Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari, uu helay 1 cod, iyadoo 1 cod oo kalena uu xumaaday.

Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay 90 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo codkooda ku doortay sida uu guddiga doorashooyinka hoggaamiyaha cusub ee maamulka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Baydhabo ay astaan u tahay isbeddelka hanaanka doorashooyinka Soomaaliya. Wuxuu xusay in geeddi-socodka doorashadu u dhacay si waafaqsan habraacyadii loo dejiyay.

Hoggaamiyaha la doortay, Aadan Madoobe oo la hadlay warbaahinta kaddib guushiisa, ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah. Wuxuu ballanqaaday inuu soo dhisi doono maamul ka shaqeeya horumarinta iyo isbeddelka deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, musharraxii kale ee doorashada isaga haray, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in tabashooyinkii uu qabay aan weli wax xal ah laga gaarin. Wuxuu ku dooday in hanaanka socda uusan u muuqan doorasho si buuxda u waafaqsan hannaanka uu isagu aaminsan yahay.

“Waxaa xalay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guddoonkii oo shalay waraaqihii la sawiray lagu doortay xildhibaanadii ku yiraahdeen nin walba laba Taleefan ha soo qaato. Heshiiska waa nalooga baxay, sidaas darteen, anaga doorashadii waa karnay, sababta oo ah doorasho ma aha, hadiiba waraaqdii lagu codeynaayey la soo sawiraayo” ayuu yiri Shariif Xasan.

Ma aanu soo bandhigin wax cadeymo ah oo ku aadan eedeymaha waraaqaha la soo sawiray, halka guddiga doorashada inta doorashada socotay awaamiir uu soo saaray looga reebayey Taleefanada xildhibaanada marka ay galayeen gudaha goobta codka bixinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed