Garsoore Cumar Cartan oo Muqdisho maanta ka soo degay, kadib diidmadii Maraykanka ee ka qeybgalka Ciyaaraha Adduunka 2026

Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ah Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta dalkiisa dib ugu soo laabtay, kadib markii Dowladda Maraykanka u diiday u dalkooda uu galo. Waxaa la filayay inuu noqdo Soomaaligii ugu horreeyay ee garsoore ka noqda Koobka Adduunka, balse waxaa laga saaray liiska garsoorayaasha.

Inkasta oo uu ka maqnaan doono Koobka Adduunka 2026 Garsoore Cartan, haddana, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha 2025 ee CAF ee xiriirka ciyaaraha Afrika.

Waaxda socdaalka Mareykanka ma aysan shaacin sababta rasmiga ah ee dib loogu celiyay Cartan, balse Soomaaliya waxay ka mid tahay dalal ku jira liiska xayiraadaha safarka ee ay soo rogtay dowladda Mareykanka.

FIFA waxay xaqiijisay in Cartan uusan ka qayb geli doonin Koobka Adduunka 2026.

Halkan ka daawo warbixinta HBN ONLINE TV idinkaga diyaarisay sheekada Cumar Cartan ee soo noqoshadiisa Muqdisho

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed