Jabhadda ONLF, garabkeeda DDS oo digniin adag ka soo saaray la shaqeynta xubnahooda dibad-joog ah

Sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC, oo soo xiganaysa xubno ka mid ah Jabhadda ONLF, garabka jooga Gobolka Soomaalida ayaa sheegay in ururku si rasmi ah u beeniyey eedeymo sheegaya inuu xiriir la leeyahay kooxo hubeysan, isaga oo xaqiijiyey waxa loogu yeeray “ka go’naantiisa heshiiskii nabadda” ee lagu saxiixay magaalada Asmara 21-kii Oktoobar 2018.

Warbixinta ay shaacisay warbaahinta dowladda, oo soo xiganaysa Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo garan ogyaay Qalbi-dhagax, laguna tilmaamay guddoomiyaha ONLF, ayaa sheegtay inuu si buuxda uga go’an yahay dhankooda ixtiraamka iyo hirgelinta qodobada heshiiskaas, halka uu sidoo kale ugu baaqay xukuumadda Addis Ababa inay si daacadnimo leh u fuliso, sida warka loo dhigay, waajibaadka ka saaran heshiiska.

Qalbi-dhagax wuxuu xusay in heshiiskaasi uu ahaa tiirka ugu muhiimsan ee saldhigga u noqday nabadda iyo xasilloonida maanta ka jirta Deegaanka Soomaalida, sida warbixinta EBC lagu sheegay, isla markaana uu garabkiisa Jigjiga si adag uga soo horjeestay tallaabo kasta oo wax u dhimi karta, sida hadalka loo dhigay, guulahaas lagu gaaray dadaalka dheer.

Sidoo kale, Jabhadda oo loogu yeeray “xisbi”, una muuqata mid dowladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ay aqoonsan yihiin, ayaa sheegtay in khilaafyadii dhawaan ka dhex jiray garabkooda dibadda la xalliyey, kadib markii, sida la tilmaamay, xilkii laga qaaday guddoomiye Cabdiraxmaan Mahdi—shirweyne ONLF isugu timid Jigjiga bishii Juun 2025-kii, xilligaas oo guddoomiye ahaan si sharci ah loogu doortay, sida hadalka loo dhigay, Qalbi-dhagax.

“Sidaa darteed, tallaabo kasta, go’aan kasta ama bayaan kasta oo uu Cabdiraxmaan Mahdi soo saaro wixii ka dambeeyay taariikhdaas waxaa loo arkaa arrimo isaga u gaar ah, mana matalaan siyaasadda, himilooyinka ama mowqifka rasmiga ah ee ONLF,” ayaa lagu yiri warbixintan, inkasta oo garabka guddoomiye Cabdiraxmaan Mahdi uusan weli si rasmi ah uga hadlin arrintaas.

Warbixintan oo u muuqata mid jawaab u ah hadalo dowladdu ku dhibsatay War-saxaafadeedyo is daba joog ah oo bogga rasmiga ah ee ONLF lagu faafinayey maalmihii la soo dhaafay, ayaa diginin waxaa loo diray, iyada oo la soo xiganayo garabka Jigjiga warbaahinta iyo dadka wararka Jabhadda dhab ahaan u qaata.

“ONLF waxay ka digtay in akoonka X ee lagu isticmaalo magaca @ONLFofficial aanu ahayn kanaal rasmi ah oo xisbigu leeyahay, isla markaana aanu matalin ururka. ONLF waxay ugu baaqaysaa taageerayaasheeda, hay’adaha warbaahinta iyo guud ahaan shacabka inay taxaddar muujiyaan, ayna ku tiirsanaadaan oo keliya kanaallada rasmiga ah ee la ansixiyey si ay u helaan xog sax ah oo ku saabsan mowqifyada iyo hawlaha xisbiga,” ayaa lagu sii yiri warka Jabhadda garabkooda Jigjiga.

Waxaa xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay garabka dibadda ee ONLF uu faafiyay bayaanno si adag loogu dhaliilay doorashadii 1-dii bishan Juun ka dhacday Itoobiya.

Jabhadda ayaa ku doodday in doorashadaasi aysan ka tarjumayn, sida ay hadalka u dhigtay, dimuqraadiyad dhab ah, iyadoo sheegtay in xorriyadda siyaasadeed lagu cabbiro awoodda xisbiyada iyo muwaadiniintu u leeyihiin inay si xor ah u abaabulmaan, u tartamaan una cabbiraan aragtidooda.

Sidoo kale, ONLF waxay saf is bahaysi kala muuqatay kooxo kale oo mucaarad ah oo ay ka mid yihiin TPLF, Fano iyo OLA, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha iyo jihada ay xukuumadda Addis Ababa ku maamulayso dalka Itoobiya.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed