Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ka wada howlgallo lagu sheegay in lagu beegsanayo hub sharci-darro ah ayaa maanta markii saddexaad magaalada ku soo bandhigay hub culus oo lagu qabtay hoteel ganacsi gaar loo leeyahay oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Hubka la soo bandhigay ayaa isugu jiray noocyo kala duwan oo fudud iyo culus, kuwaas oo ay ku jireen hub casri ah iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin diyaarado aan duuliye lahayn (drones), nuuc mar qura bedelay jidaha dagaal iyo xasaradaha dhinacyada dagaallamaya dunida. Boolisku waxay sheegeen in hubkan si sharci-darro ah loo haystay sida hadalka loo dhigay.
Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in shaqsiyaad horey xilal u soo qabtay ay haystaan hub khatar gelin kara amniga caasimadda, isagoo adkeeyay in hubkan laga qaaday gudaha hoteelka.
“Hubkan waxaa laga soo qaaday hoteelka, wuxuuna ka mid yahay hubka sida sharci-darrada ah loo haystay. Ma jirto wax nagu kalifaya inaan ammaanka been ka sheegno. Hubkan waxaa lagu qabtay gudaha hoteelka,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada howlgallo lagu sheegay kuwa hub ka dhigis, laguna tilmaamay mid lagu sugayo amniga, hase yeeshee waxaa jira eedeymo iyo dood siyaasadeed oo la xiriirta in howlgalka uu beegsanayo mucaaradka, gaar ahaan kadib dhacdooyin hore oo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.
Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kalena ah mulkiilaha hoteelka maanta laga soo saaray sida dowladdu ku dooday ee Elite ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay xoog uga haystaan hoteelkiisa.
Cabdullaahi Nuur ayaa marka hore beeniyay in hoteelka gudahiisa lagu qabtay sida uu ku dooday hubka boolisku soo bandhigay, isagoo sheegay in hub culus lagu daabulay gudaha hoteelka, si looga been abuurto, loona sumcad dilo ganacsigiisa sida uu ku andacooday.
“Waxaan la wadaagayaa bulshada Soomaaliyeed in maalintii saddexaad ay ciidamo hubeysan si sharci-darro ah ugu sugan yihiin gudaha Hoteelka Elite,” ayuu yiri Wasiirka hore ee amniga.
Goor sii horeysay oo uu warbaahinta la hadlay Cabdullaahi Maxamed ayuu sheegay in goobtiisa ganacsi ee Hotel Elite sii xirnaa doono ilaa xal is bedel laga laga helayo. Sababta go’aanka ayuu ku sheegay in uusan damaanad ka haysan in markale la soo weearari dono sida uu hadalka u dhigay goobtiisa ganacsi.
Dhanka kale, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli kacsan, iyadoo socdaan dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay ku jiraan saaxiibo caalami ah, si loo yareeyo xiisadda u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka loona gaaro xal siyaasadeed oo waara.
HBN ONLINE TV

