Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay dowladda Itoobiya kala hadasho baahideeda ku aaddan helitaanka deked iyo marin-badeed, kadib markii ay xustay in labada dhinac ay ka dhexeeyaan xiriir sida ay ku dooday taariikhi ah iyo iskaashi dhow.
Wareysi uu siiyay wargeyska The Reporter ee Itoobiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa sheegay in dhankooda Hargeysa diyaar u yihiin in Itoobiya kala hadlaaan rabitaanka ku saabsan helitaanka Addis Ababa ee marin Dekad iyo Badeed oo ay hesho.
“Waxaan diyaar u nahay inaan dowladda Itoobiya kala hadalno baahiyahooda ku saabsan helitaanka deked ama marin-badeed. Waxaan fahamsanahay muhiimadda arrintaasi u leedahay Itoobiya, waxaana diyaar u nahay wadahadal kasta oo ku saabsan” ayuu yiri Wasiir Bakaal.
Hadalka wasiirka ayaa muujinaya in xukuumadda cusub ee Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay sii waddo siyaasaddii ku dhisnayd iskaashiga Itoobiya, inkasta oo ay jireen warar sheegayay in isbeddel ku iman karo mowqifka Somaliland kadib doorashadii madaxtinimada.
Cabdiraxmaan Bakaal ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay sida uu ku andacooday saaxiibka ugu dhow ee Somaliland ku leedahay gobolka, isla markaana xiriirka labada dhinac uu yahay mid sii xoogeysanaya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay si buuxda u fahamsan tahay baahida Itoobiya u qabto marin-badeed maadaama ay tahay dal aan bad lahayn.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Dekedda Berbera ay diyaar u tahay in Itoobiya si weyn uga faa’iideysato, isaga oo xusay in awoodda dekedda iyo marin-keeda ganacsi aan weli si buuxda loo adeegsan. Sida uu sheegay, isticmaalka hadda jira wuxuu u dhexeeyaa 20 illaa 30 boqolkiiba awoodda guud ee dekedda.
Mar uu ka hadlayay heshiiskii is-afgaradka ahaa (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen horraantii sannadkii 2024, wasiirku si toos ah uguma dhawaaqin xaaladda heshiiskaas, balse wuxuu caddeeyay in Somaliland ay weli diyaar u tahay wadahadal kasta oo la xiriira baahiyaha Itoobiya ee marin-badeedka iyo iskaashiga labada dhinac.
Dhanka aqoonsiga Somaliland, wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland aysan cadaadis saarayn Itoobiya, balse ay rajaynayso in mustaqbalka ay aqoonsato madaxbannaanideeda, maadaama Somaliland ay tahay sida uu ku dooday aag xasilloon oo lagu kalsoonaan karo.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay Itoobiya u aragto sida uu qabo jaal iyo xulafo istiraatiiji ah, isaga oo sheegay in labada dhinac ay leeyihiin dano badan oo ay iska kaashan karaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo isku socodka shacabka.
Ugu dambeyne, Wasiir Bakaal ayaa sheegay in Somaliland mar walba u taagan tahay xoojinta xiriirka Itoobiya, isaga oo tilmaamay in labada dhinac ay ka faa’iidi karaan iskaashi ballaaran oo mustaqbalka sii kobca.
Si kastaba, Dhamaadka sanadkii 2024 Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyey khilaafkii ka dhashay is afgaradkii Somaliland la xiriiray ee Badda, kadib Kulan Ankara garwadeen ka ahayd oo lagu sheegay in gabi ahaanba meesha laga saaray is afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya.
HBN ONLINE TV

