ONLF oo ku eedeysay Dowladda Itoobiya in xaddidday ka qeyb-galka gobolka Soomaalida doorashadii horaantii bishaan dalkaasi ka dhacday

Jabhadda ONLF ee gobolka Soomaalida Ogaadeeniya (JWXO) ayaa sheegtay in doorashooyinkii 1-dii bishaan Juun 2026 aysan ka tarjumayn dimuqraadiyad dhab ah, iyadoo ku doodaysa in xorriyadda siyaasadeed lagu qiimeeyo sida ay hadalka u dhigtay awoodda xisbiyada iyo muwaadiniinta ay si xor ah ugu tartami karaan, uga ololeyn karaan, uguna cabbiri karaan aragtidooda iyada oo aan la cabsi gelin ama la faragelin.

JWXO waxay ku eedaysay Xukuumadda Itoobiya inay xaddidday sida ay ay ku dooday tartanka siyaasadeed, gaar ahaan Dawlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo sheegtay in faragelinta lagu hayo mucaaradka, xakamaynta hay’adaha siyaasadeed iyo ka saarista tartamayaasha ay dhaawaceen kalsoonida shacabka ee doorashooyinka.

Ururku wuxuu sheegay in dowladda aysan horumar ku qiyaasi karin mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha oo keliya, maadaama dalka uu weli wajahayo dagaallo, dhimasho badan, barakac ballaaran iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo. Sida ay ONLF qabto, horumarka dhabta ah waxaa lagu cabbiraa amni, caddaalad, xorriyad iyo nolol wanaagsan oo shacabka gaarta, balse intaasi midna aan la haynin.

Sidoo kale, Jabhadda ayaa ku doodday in hay’adaha dastuuriga ah iyo geeddi-socodka Wadahadalka Qaranka aysan helin kalsoonida dhinacyo badan oo siyaasadeed, taasi oo adkaynaysa in lagu xalliyo khilaafaadka waaweyn ee dalka. Waxay sheegtay in hoos u dhaca kalsoonidaas uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Itoobiya.

Ugu dambeyn, ONLF waxay ku eedaysay xisbiga Barwaaqada ee Itoobiya inuu jebiyay sida ay hadalka u dhigtay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii, isla markaana ay Itoobiya u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagu kalsoonaan karo, kana qayb galaan dhammaan dhinacyada muhiimka ah. Sida ururku sheegay, wada hadal dhab ah, dib-u-heshiisiin qaran iyo heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran ayaa ah jidka lagu gaari karo nabad waarta iyo xasillooni, inkasta oo ay hadda ku faraq xiran yihiin dhankooda dhinacyada kale ee Qowmiyada dowlada Itoobya ka soo horjeeda.

Eedeymaha Jabhadda ONLF weli wax war rasmi ah kama aanay soo xukuumadda Itoobiya, mana jiro masuul difaacay waxyaabaha lagu haysto Xukuumadda Abiy Axmed oo gobolka Soomaalida u hadlay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed