Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo ka dhacay duleedka ka ah magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ku dhawaad 20 ruux.
Sida wararku sheegayaan, ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay shilka, halka 19 kale ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca waaraadka ama UD ah uu ku gadoomay xilli uu marayay inta u dhexeysa deegaanka Birta Dheer iyo magaalada Goroowe, sida ay sheegeen booliska Puntland oo goobta shilku ka dhacay gaaray.
Meydadka labada qof ee geeriyootay iyo Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa la keenay Isbitaalka Guud ee Garoowe si loogu sameeyo gurmad caafimaad dadka dhaawac ah, halka baaris lagu wado shilka dhacay iyo waxyaabaha lala xiriirinayo.
“Gaariga shilka galay oo ahaa nooca waaraadka, kana yimid deegaanka Qalaafe, ayaa waday moos, waxaana saarnaa in ka badan 20 qof. Shilkaasi wuxuu sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 19 kale, kuwaas oo loo kala qaaday xarumaha caafimaadka si loogu sameeyo daryeel caafimaad” ayaa lagu yiri warka taliska ciidamada Puntland.
Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Puntland oo gaaray goobta uu shilku ka dhacay ayaa digniin u qwadayaasha Darawada iyo milkiilayasha baaburta, waxayna ku booriyeen inay ka fogaadaan isku rarista rakaabka iyo badeecadaha, si looga hortago shilalka sababa khasaaraha nafeed iyo dhaawacyada
Taliska Ciidaamada Puntland ayaa sheegay in Gaariga shilka galay uu ka yimid deegaanka Qalaafe ee gobolka Soomaalida, isaga oo isku waday rarka baceedda iyo dadka rakaabka ahaa.
HBN ONLINE TV

