Haya’ddaha ammaanka Muqdisho diginin ka soo saaray hubka guryaha lagu haysto

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu wado howlgal lagu baarayo hub loo adeegsaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.
War saxaaafadeedka uu soo saaray ayu uku sheegay in hubka la uruurinayo si loo geeyo meel la isugu keeno.
Sidoo kale, taliska ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay si rasmi ah u soo bandhigi doonaan hubka la qabto marka ay soo dhammaadaan howlgalada baaritaanka iyo uruurinta ee socda.
Booliiska Gobolka Banaadir ayaa digniin adag u diray dadka guryahooda ku kaydsada hubka sharci-darrada ah sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in tallaabooyin sharci laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo hub noocaas ah.
“Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka” ayaa lagu yiri warka Booliska Muqdisho.
Dhanka kale, aagga uu howlgalka ka socdo ayaa shalay laga saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxaana halkaas la wareegay ciidamada ammaanka.
Booliisku wuxuu sidoo kale hore u soo bandhigay hub uu sheegay in laga soo qabtay guri uu ku sugnaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed