Golaha Wakiillada cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad & 2-aad ee Golaha, iyadoo xildhibaannadu codkooda si toos ah u dhiibteen.
Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha golaha Wakiillada Koonfur Galbeed,halka ku xigeenkiisa 1-aad uu noqday Aadan Xasan Maxamed (Usaama) iyo Shamsa Maxamed Yarow ay ku guuleysatay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad.
Tirada guud ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 gole wakiil waxaa ay ku soo bexeen doorashadii 10-kii bishaan May 2026 ka dhacday 13-ka degmo oo laga qabtay doorasho qof iyo cod ah deegaanda maamulkaais, iyaga oo noqonaya Baarlmaankii ugu horeeyey ee dowlad-goboleed Soomaaliya ah shacabku soo doortaan. Inkastoo doorashadaasi ay ka soo horjeesteen siyaasiyiin & qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka deegaannadaas.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dhameystiro howlaha kale ee la xiriira maamulka cusub ee koonfur Galbeed, waxaana la soo dooran doonaa hoggaamiyaha maamulkaasi.
Sida ku cad jadwad uu soo saaray guddiga doorashooyinka waxaa lagu sheegay in doorashada hoggaamiyayaha maamulka Koonfur Galbeed ay dhacdo 5-ta bisha Juun ilaa 10-ka Juun.
Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa ku jirta bandow ka soo bilowday 1-dii Bishan Juun, uuna socon doona ilaa amar dambe, kadib awaaamiir ka soo baxday Maamulka ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed iyagoo sheegay in tallaabooyinkan lagu sugayo amniga doorashooyinka socda iyo badqabka shacabka.
HBN ONLINE TV

