Faahfaahin ka soo baxaysa kulamo lagu dhexdhexaadinayey qaar kamid ah siyaasiyiinta Mcuaaradka iyo Dowladda

Dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa caawa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib kulan dhexmaray ergo uu diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa ka dhacay aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo uu degan yahay Shariif Sheekh, waxaana qeyb ka ahaa odayaal dhaqameed ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saaray sidii loo dejin lahaa xiisadda ka taagan Muqdisho iyo muranka la xiriira joogitaanka Shariif ee goobta uu hadda ku sugan yahay, taasi oo dowladdu hab amni u diiday.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada kulanka, haddana wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in wada-hadalladu u socdeen jawi wanaagsan. Ergada kulanka ka qeyb gashay ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah, balse waxay sheegeen in war laga soo saari doono marka ay soo gabagaboobaan dadaallada socda.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in Shariif Sheekh uu ka guuro goobta uu hadda degan yahay, iyadoo arrintaasi qeyb ka tahay qorsheyaal la xiriira xaaladda amni magaalada Muqdisho. Dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin natiijada kulamadii ugu dambeeyay.

Labada dhinacba kama hadlin kulamadan dhexdhexaadinta ah ee loogu kala dab-qaadayo, iyada oo mid walba mowqifkiisa ka soo dabci la’yahay marka la eego hadalada warbaahineed ee ay is dhaafsanayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed