Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho, isla markaana dib loogu laabto wada-hadal siyaasadeed si xal looga gaaro khilaafka taagan. Farmaajo ayaa sheegay in xaaladda dalka ay gashay marxalad adag, isagoo xusay in dagaallada ka dhacay caasimadda ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Muuqaal socday in ka badan 10 daqiiqo ayuu Farmaajo ku sheegay in muddo dheer laga digayay in xaaladdu halkaas gaarto. Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaaday sida hadalka u dhigay tallaabooyin horseeday xiisadaha iyo iska hor imaadyada hadda ka socda Muqdisho.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa difaacay muddadii uu xilka hayay, isagoo sheegay inuusan hal sano ku darsan muddo xileedkiisii, balse ay jireen heshiisyo siyaasadeed iyo dadaallo lagu gaari lahaa doorasho loo dhan yahay. Wuxuu intaas ku daray in la iska indha-tiray baaqyo badan oo ku saabsanaa dastuurka, doorashooyinka iyo wadatashiga siyaasadeed.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa farriin u diray Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ugu baaqay inay ilaaliyaan waajibaadkooda qaran kana fogaadaan ku lug lahaanshaha khilaafaadka siyaasadeed. Wuxuu adkeeyay in ciidamada loo tababaray difaaca dalka iyo shacabka, ayna muhiim tahay inaan loo adeegsan loollan siyaasadeed ama iska hor imaadyo ka dhan ah shacabka.
HBN ONLINE TV

