Ra’iisal Wasaare hore Khayre oo isaga baxay gurigii ciidamada taabacsan ka dagaalamayeen

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka soo guuray guriga uu ka dagnaa degmada Hawlwadaag ka dib dadaallo ay sameeyeen madax ka tirsan dowladda oo uu hoggaaminayey Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo maanta ku booqday guriga.

Kheyre ayaa lagu qanciyay in uu dib ugu laabto gurigiisa oo ku yaala gudaha xayndaabka Garoonka Muqdisho, isaga oo ay amnigiisa sugayaan ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA.

Tallaabadani ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Xasan Kheyre, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Go’aankan wuxuu ka horeeyey sida la sheegay dalabaad dowladdu dooneysay oo ahaa in Ra’iisul Wasaare hore Khayre ka boxo sida ilo dhinacyada  dhexdhexaadinaya warbaahinta u sheegeen guriga uu ka deganaa aagga ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, uuna ku laabto hoygiisa ku yaalla xayndaabka gaoronka Muqdisho.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed