Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda iska hor imaadyo iyo dagaallo goos goos ah u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa daacad u ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ka socda qaybo kamid ah caasimadda. Dagaalladan ayaa socday saacado badan, iyadoo dhinacyadu isku hor fadhiyaan goobo kala duwan oo xiisaddu ka taagan tahay.
Haddaan ku hareyno wararkii ugu dambeeyey, Sida la soo wariyey, rasaas goos-goos ah ayaa wali laga maqlayaa agagaarka guriga uu degmada Cabdicasiis ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo ku yaalla xeebta Liido. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in xaaladdu weli tahay mid kacsan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta dhacdooyinka ka socda halkaasi, waxaana saxaafadda lagu amray in goobta isaga baxaan.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay dagaallada socda, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaastu ay saameyn ku yeelatay xaafado dad shacab ah degan yihiin.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowladdu dalbatay in Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre ka boxo sida ilo dhinacyada dhexdhexaadinaya warbaahinta u sheegeen guriga uu ka degay aagga ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, uuna ku laabto hoygiisa ku yaalla xayndaabka gaoronka Muqdisho.
Tani waxay imaanaysaa kadib markii ay istaagtay jugtii ugu cusleyd ee laga maqlayey Muqdisho, taas oo ka dhacaysay xaafadda Barmuudo ee degmada Howlwadaag oo aad ugu dhow Villa Soomaaliya iyo Suuqa Bakaaraha.
Madaxweyne hore Shariif ayaa mar uu wabaahinta la hadlayey saacadihii la so dhaafay sheegay in ergada madaxweyen Xasan Sheekh u soo diray ay la wadaageen in laga doonayo inuu ka guuro guriga uu ka degay aagga xeebta Liido, balse wuxuu hadalkiisa sii raaciyey jawaab diidma ah.
Hay’addaha ammaanka, War goor sii horreysay ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ciidamada ammaanku kula jiraan, sida ay hadalka u dhigeen, maleeshiyaad ku sugan goobaha ay deggan yihiin waxa ay ugu yeereen “xubno qaswadayaal ah”, oo ay ula jeedaan siyaasiyiinta Mucaaradka ah, uuna gabogabo ku dhow yahay, iyaga oo ku eedeeyey inay ka soo horjeedaan amniga iyo xasilloonida Muqdisho.
Sidoo kale, dhaqdhaqaaqa Muqdisho ayaa saaka ah mid si guud isu socodkiisu u yar yahay, waxaana badi xiran goobaha waaweyn ee ganacsiga magaalada oo ay ku jiraan Suuqa Bakaaraha iyo goobaha ku yaalla waddada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama, inkasta oo hadda dadka dib u furayaan goobahooda, halka xarumaha waxbarashada ee goobaha dagaalladu ka dheceen ay iyaguna si la mid ah xirmeen.
Iska hor imaadyada Muqdisho ka dhacay, laga soo bilaabo gelinkii dambe ee shalay, xalay oo dhan ilaa saaka, ayaa dadka magaalada ku abuuray cabsi weyn, maadaama dagaal intaas le’eg uusan caasimadda ka dhicin muddo sanado ah.
HBN ONLINE TV

