Puntland oo war ka soo saartay howlgal Ajnabi Daacish ah lagu qabtay oo ka dhacay Calmiskaad

Ciidamada Puntland ee wada howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta soo bandhigay nin ajnabi ah oo ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxdaasi.

War kooban oo ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in xubinta la qabtay lagu soo qabtay intii ay socdeen howlgallada lagu baacsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan deegaannada buuraha ah ee Calmiskaad.

“Ciidanku waxay qabteen firxad ajnabi ah oo ka tirsan Argagixisada Daacish. Howlgalka ciidanku ku sifeynayaan firxadka argagixisada ayaa si dardar leh uga socda buuraleyda Calmiskaad,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska, lama sheegin magaciisa, dalka uu ka soo jeedo iyo xilka uu ka dhex haayey Kooxda.

Maamulka ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Daacish ay weli socdaan, iyadoo ciidamada ay sii wadaan beegsiga xubnaha kooxda ee ku sugan deegaannada buuraha ah ee gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed