Waqooyi Bari oo maamul cusub u magaacabay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag

Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay bilaabay magacaabista maamulo ka shaqeeya deegaannada gobollada Sanaag iyo Haylaan, kadib war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay maamulkaasi oo ku socotay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha Woqooyi-bari, Axmed Cali Yakhle ayaa lagu magacaabay Iidle Cali Axmed Guddoomiyaha degmada Dhahar, waxaana ku xigeenkiisa laga dhigay Cabdillaahi Cumar Jaamac, halka Maxamuud Ciise Jaamac loo magacaabay Xoghayaha fulinta ee degmada.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in magacaabistan lagu saleeyay baahida loo qabo xoojinta maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta amniga iyo kor u qaadista horumarka deegaanka.

Yakhle ayaa maamulka cusub u faray hufanaan, wuxuuna amray dhammaan hay’adaha Woqooyi-bari inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka cusub si loo xaqiijiyo adeeg-bixin wanaagsan, amni waara iyo horumar loo dhan yahay.

Talaabada uu maanta qaaday maamulka Waqooyi-Bari ayaa timid, iyada oo dhowr jeer oo hore uu meel adag gaaray muran ka jiray hab-maamulka dhowr magaalo oo u dhexeeya iyaga iyo Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed