Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay midnimada & madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Somaliland ka mid tahay ka dib warbixin loo gudbiyay Kongareeska, taasi oo looga hadlay in ay jiraan fursado lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga Washington la leedahay Somaliland.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu Somaliland la leeyahay xiriir wanaagsan oo wax-ku-ool ah, isla markaana uu sii wado sahminta fursado dheeraad ah oo uu kula shaqeyn karo maamulka Somaliland. Dowladda Mareykanka ayaa xustay in dhammaan wada-shaqeyntaasi ay ku dhacayso qaabka ay ku aqoonsan tahay Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay.
Dhanka amniga, warbixintu waxay tilmaantay in deegaanka Geeska Afrika uu weli wajahayo caqabado amni oo ay ka mid yihiin kooxaha xagjirka ah iyo khilaafaadka gobolka.
Waxaa lagu sheegay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ay uu ku dhow yahay Yaman iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, ayna ka dhigeyso meel muhiim u ah iskaashi ku saabsan amniga marin-biyoodka iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha loogu yeeray xagjirka ah, gaar ahaan xiriirrada suuragalka ah ee u dhexeeya Alshabaab iyo Xuutiyiinta Yemen.
Warbixintu waxay sheegtay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu si joogto ah ula xiriiro mas’uuliyiinta Somaliland, isla markaana uu qiimeynayo meelo cusub oo iskaashi.
Qaybta diblomaasiyadda, warbixintu waxay xustay in masuuliyiinta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay booqashooyin joogto ah ku tagaan Somaliland si looga wada hadlo arrimo ay ka mid yihiin amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in safarrada saraakiisha Mareykanka ee Somaliland ay wajahaan isla shuruudaha amni ee ka jira qaybaha kale ee Soomaaliya.
Dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, warbixintu waxay sheegtay in maamulka Somaliland uu dhiirrigeliyay uuna soo bandhigay maalgashiga Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada macdanta, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale lagu xusay in dekedaha Somaliland ay noqon karaan beddel muhiim ah oo kaabaya xarumaha kale ee gobolka, halka horumarinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Berbera ay abuuri karto fursado cusub oo la xiriira maalgashi, dhoofin iyo ganacsi.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in weli ay jiraan caqabado la xiriira xaaladda amni ee gobolka iyo muranka ka taagan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland.
Dowladda Mareykanka ayaa xustay in khilaafka ku saabsan maqaamka Somaliland iyo diidmadeeda wada-shaqeynta qaar ka mid ah hay’adaha qaranka Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karaan maalgashiga, adeegyada bangiyada iyo ganacsiga caalamiga ah.
Warbixintan ayaa muujinaysa in Mareykanku uu daneynayo kordhinta xiriirka uu la leeyahay Somaliland dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, isagoo adkaynaya mowqifkiisa taageerada madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.
HBN Online TV

