Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene, ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Masar ee Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah, iyagoo ka wadahadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo nabadda, amniga, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda. Madaxa AUSSOM ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta saaxiibbada caalamiga ah.
Dhankiisa, Safiirka Masar ayaa dib u xaqiijiyay taageerada dalkiisu u hayo howlgalka AUSSOM iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasadeed, halka beesha caalamka iyo dalalka gobolka ay sii wadaan taageerada geeddi-socodka nabadda iyo dib u dhiska.
HBN ONLINE TV

