Baydhabo oo lagu soo rogay bandow iyo tallaabooyin adag oo amni
Maamulka ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ka jirta ayaa ku dhawaaqay bandow iyo awaamiir amni oo adag oo laga hirgelinayo magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in tallaabooyinkan lagu sugayo amniga doorashooyinka socda iyo badqabka shacabka.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (John), ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo ah 1-da Juun 2026 uu magaalada ka dhaqan geli doono bandow habeenkii ah, kaas oo socon doona laga bilaabo 7:00 fiidnimo illaa salaadda subax—Wuxuu xusay in bandowgaasi uu sii jiri doono ilaa amar dambe, islamarkaana muddadiisa ay ku xirnaan doonto xaaladda amni ee magaalada.
Sidoo kale, wasiir John wuxuu amray hay’adaha amniga, xisbiyada siyaasadda, shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay iyo kuwa la shaqeeya Qaramada Midoobay inay diiwaangeliyaan hubka ay haystaan, isla markaana amarkan uu si rasmi ah u dhaqan geli doono 2-da Juun oo berri ku aadan.
Dhanka kale, Wuxuu ku dhawaaqay in ciidamada ammaanka ay bilaabi doonaan baaritaanno lagu sameynayo guryaha iyo goobaha loo arko inay muhiim u yihiin sugidda amniga, xili uu caddeeyay in howlgalkaasi aanu ahayn mid lagu beegsanayo shaqsiyaad ama kooxo siyaasadeed, balse uu la xiriiro xaqiijinta amniga magaalada iyo doorashooyinka socda.
Ugu dambeyn, Wasiir John ayaa ugu baaqay xubnaha hubeysan ee siyaasiyiintii hore ee maamulka oo uu ku tilmaamay “falaago” inay isa soo dhiibaan, halka haddii ay doonayaan arimo masuuliyad uu ku dhiirrigeliyo inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka dib u dhiska iyo doorashooyinka, laakiin wuxuu ka digay tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa amarka dhigista hubka oo loo arki doono mid taageeraysa waxa uu ku tilmaamay kooxaha argagixisada.
HBN ONLINE TV

