Itoobiya oo galeysa doorasho uusan qof walba codeyn karin, waxaa ku jira Gobolka Soomaalida

Itoobiya ayaa Isniinta barri galeysa doorasho guud, hase yeeshee malaayiin qof ayaan ka qeyb geli doonin codbixinta sababo la xiriira xaaladaha amni iyo khilaafaadyada ka taagan qaybo ka mid ah dalka. Doorashadan ayaa noqoneysa tii 7-aad tan iyo markii la riday nidaamkii militariga ee dalka ka talinayay sanadkii 1991-kii.

Gobollo dhowr ah ayaa laga soo sheegay caqabado saameynaya habsami u socodka doorashada, waxaana ka mid ah deegaanno ku yaalla Amxaarada iyo Oromada, halkaas oo aan dhammaan shacabka xaqa u leh codbixinta aysan awoodi doonin inay codeeyaan.
Sidoo kale, gobolka Tigray ayaa gebi ahaanba laga saaray doorashada, iyadoo wali laga dareemayo saameynta dagaalkii sokeeye ee halkaas ka dhacay kana dhammaaday sanadkii 2022.

Doorashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay jiraan walaacyo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo sidoo kale xiriirka Itoobiya ay la leedahay dalalka deriska ah, gaar ahaan Eritrea. Arrimahan ayaa sare u qaaday xiisaha lagu eegayo natiijada codbixinta iyo saameynta ay ku yeelan karto mustaqbalka dalka.

Dhanka kale, gobolka Soomaalida oo waday dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee doorashada ayaa lagu wadaa in dadka deegaanku ka qeyb noqdaan doorashadan, inkasta oo mamaulka deegaanka aanu soo sheegin wax caqabad ah oo amni, kana jirta deegaanadooda.

Warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah ayaa la kulmeysa xayiraado la xiriira daboolidda doorashada, iyadoo hay’ado warbaahineed oo badan, oo ay ku jirto BBC-da, aan la siin aqoonsi rasmi ah oo ay ku tabiyaan dhacdooyinka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Abiy oo 49 jir ah, ayaa xukunka qabtay 2018 kii ka dib dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda oo looga soo horjeeday Jabhadda Dimuqraadiga Kacaanka Dadka Itoobiya (EPRDF), oo ah isbahaysi ay ku badanaayeen siyaasiyiin ka soo jeeda Tigreega – oo xukunka hayay tan iyo 1991.

Tan iyo xilligaas wuxuu sameeyay isbeddello siyaasadeed oo ay ka mid tahay kala diristii isbahaysigii EPRDF iyo dhismaha Xisbiga Barwaaqada, kaas oo saldhig u noqday nidaamka siyaasadeed ee hadda ka jira Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed