Hay’adda Socdaalka adduunka ee IOM ayaa shaacisay in ugu yaraan 140 tahriibe ay ku dhinteen, halka 33 kalena lagu la’yahay marinnada tahriibka ee mara dalka Jabuuti tan iyo bilowgii sanadkan 2025.
Warbixinta ayaa sheegtay in marinka loo yaqaan Marinka Bariga, oo isku xira Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta, uu weli yahay mid ka mid ah waddooyinka tahriibka ee ugu halista badan caalamka.
Sannadkii hore 2025 waxaa Jabuuti laga diiwaangeliyey in ka badan 522,000 oo dhaqdhaqaaqyo socdaal ah, taasoo ka dhigan koror 20% ah marka loo eego 2024. Inta badan dadka socdaalka sameynaya ayaa ka yimaada Itoobiya, iyagoo ka cararaya saboolnimo, shaqo la’aan iyo dhibaatooyin kale oo nololeed.
Tahriibayaasha ayaa la kulma khataro badan oo ay ka mid yihiin gaajo, harraad, xanuunno, rabshado iyo tacaddiyo ay geystaan shabakadaha dadka tahriibiya ee ka howlgala Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen.
IOM ayaa sheegtay inay gargaar bani’aadamnimo siiso tahriibayaasha, waxayna ku baaqday in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo dadka socdaalka ku jira iyo in la abuuro waddooyin sharci ah oo ammaan ah si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha tahriibka.
HBN ONLINE TV

