Jabhada Oromada ee OLA oo sheegatay inay dishay in ka badan 100 oo askari oo ka mid ah ciidamada Itoobiya

Ururka Xoreynta Oromada ee magaciisa loo soo gaabiyo OLA ayaa sheegay in uu sii wado hawlgallada cusub ee uu kaga soo horjeedo dawlada Itoobiya”, isagoo ku dhawaaqay khasaare culus oo uu gaarsiiyay ciidamada dowladda Itoobiya laba maalmood kadib markii la bilaabay howlgalkaasi.

War-saxaafadeed ururka OLA uu soo saaray ayuu ku sheegtay in dagaallo ka dhacay deegaanno kala duwan oo gobolka Oromada ah lagu dilay ugu yaraan 103 askari, halka 113 kalena lagu dhaawacay. Inkastoo tiradan aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Sida lagu sheegay warbixinta, dagaalkii ugu weynaa ayaa ka dhacay magaalada Coqorsaa ee deegaanka Boojjii Coqorsaa, halkaas oo OLA ay sheegtay inay ku dishay 68 askari kuna dhaawacday 78 kale kadib markii ay weerartay xero ciidan.
Deegaanka Daaroo Labu ee Galbeedka Harargee ayay OLA waxat sheegtay inay ku dishay toddobo askari, halka degmada Hancaar lagu dilay 10 askari laguna dhaawacay 12 kale. Weerarro kale oo ka dhacay Algee Saachii iyo deegaanno ku yaalla Wolloo ayay kooxda ku sheegtay inay ku dileen 18 askari kuna dhaawaceen 23 kale.

Jabhadda OLA ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegtay hub iyo sanaadiiqda codbixinta doorashada oo ay ciidamada dowladda wadayeen, isla markaana ay sii daysay dad rayid ah oo lagu hayay deegaanka Suroo Bargudda ee Galbeedka Gujii.

Kooxdu waxay ku eedeysay dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inay ciidamo u adeegsanayso diyaarado qumaatiga u kaca si loogu daabulo agabka doorashada, iyadoo sidoo kale ku doodday in wax isdaba-marin ah lagu hayo hanaanka codbixinta.
Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin sheegashooyinka ugu dambeeyay ee OLA.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed