Wararkii ugu dambeeyey caasimadda Galmudug oo abaabul siyaasadeed uu ka socdo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xaaladdasiyaasadeed iyo amni ee maamulka Galmudug, kadib xogo saacadihii lasoo dhaafaylaga faafinayay amniga caasimadda Dhusamareb.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ilaa hadda aysanjirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay magaalada, isla markaana amniga ay sicaadi ah u sugayaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Wararka ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya inMadaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor, uu ku sugan yahayDhuusamareeb, xilli ay halkaasi ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo aywadaan musharixiinta doonaya inay u tartamaan hoggaanka maamulka.

Doorashooyinka Galmudug ayaa la filayaa inay kuqabsoomaan nidaamka qof iyo cod, iyadoo la qorsheeyay in doorashada GolahaWakiillada iyo deegaanka ay dhacdo 20-ka July 2026. Sidoo kale, doorashadaguddoonka baarlamaanka ayaa loo asteeyay 2-da July, halka doorashadamadaxweynaha maamulka la qorsheeyay 9-ka July

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed