Rasaas xooggan ayaa galinkii dambe ee maanta laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in uu dhacay dagaal kooban oo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalada siyaasiyiin mucaarad ah.
Dagaalka ayaa ka dhacay aagga inta u dhexeysa Isgoyska Dabka iyo Taallada Sayidka ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaaro rasmi ah oo ka dhashay iska horimaadkaasi, balse Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku soo qaadeen goob ay shir kula lahaayeen ugaaska isaga siyaasadda mutala iyo odayaal dhaqameed, sida uu ku dooda.
“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay,” ayuu yiri Khayre.
Sidoo kale, Khayre ayaa masuuliyadda wixii ka dhasha iska horimaadkaasi dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in mucaaradku ay ku jireen diyaar-garowga bannaanbax nabadeed oo la qorsheeyay in uu qabsoomo maalinta berri ah gobolka Banaadir.
“Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan iyo sababta keentay in rasaas toos ah ay isu adeegsadaan ciidamada dowladda iyo ilaalada mucaaradka, xilli ay Muqdisho ka socdeen dadaallo dhexdhexaadin iyo wada-hadallo u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka.
Wararka ku saabsan dhacdadan ayaa weli soo baxaya, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

