Baarlamaanka Soomaaliya oo berri kulan xasaasi ah  ka leh arimaha dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah yeesho kulan wadajir ah oo xasaasi ah oo looga doodayo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, iyadoo khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu hareeyay arrintan.

Qoraal kooban oo loo diray mudanayaasha labada aqal ayaa muujinaya in kulanka Arbacada berri ah uu ajandihiisu yahay Ajendihiisu yahay Marxaladda 3-aad ee Ansixinta Cutubyada 4-aad ilaa 13aad ee Dastuurka.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo iyo abaabul ay wadaan xildhibaano ka soo horjeeda habka loo wado ansixinta dastuurka, kuwaas oo muujinaya diidmo cad.

Diidmada ayaa markii hore ka timid mucaaradka iyo maamul goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland, hase yeeshee hadda waxaa ku biiray xildhibaano dheeraad ah.

Qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya cadaadiskii ugu cuslaa tan iyo markii la soo bandhigay, iyadoo Madaxtooyaduna waddo dadaallo lagu xallinayo ismari-waaga jira.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed