Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay inay sii waddi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyada oo loo marayo tababar, la-talin iyo taageero joogto ah.
Wasaaraddu waxay caddeysay in ciidamada dalkeedu ay ka go’an tahay sugidda amniga howlaha sahminta iyo qodista shidaalka iyo sidoo kale kaabeyaasha laga dhisay Soomaaliya ee Xarun Dayax-gacmeed iyo goobo kale.
Sidoo kale, Turkigu wuxuu sheegay inuu bixinayo taageero buuxda oo ku wajahan howlgallada la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee ay fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedkan lagu daabacay bogga X ee wasaaradda ayaa intaas ku daray in howlahaasi ay qeyb ka yihiin ka-qaybqaadashada Turkiga ee xasilloonida caalamiga ah, iyadoo la xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, iyaga oo xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan joogitaankooda iyo taageeradooda Soomaaliya, si loo adkeeyo awoodda ka-hortagga iyo sugidda amniga dalka.
HBN ONLINE TV

