Tom Homan, madaxa howlgalka socdaalka ee maamulka Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay in howlgalkii weynaa ee Operation Metro Surge ee ka socday gobolka Minnesota si rasmi ah loo soo afjarayo, iyadoo Madaxweyne Donald Trump ogolaaday codsigiisa in howshan la soo xiro ka dib markii ay dhalisay caro iyo muran ballaaran.
Howlgalkan, oo billowday bishii December 2025, waxaa lagu soo daabulay kumanaan askarta socdaalka ah wadooyinka, waxaana lagu sheegay in lagu beegsanayo dadka aan sharciga haysan, gaar ahaan gudaha Minneapolis. Howlgalku waxa uu sababay in boqolaal qof la xiro intii uu socday, taas oo keentay dibadbaxyo iyo caro siyaasadeed oo baahsan.
Jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka, gaar ahaan kuwii Minnesota, ayaa si taban uu u saameysay howlgalkan, iyadoo caruurta iyo qoysaska ay cabsida iyo welwel ka muujiyeen xariga ay la kulmi karaan, taas oo keentay hoos u dhac ku yimid ka qaybgalka bulshada sida masaajidda iyo ganacsiyada jaaliyadda. Waxaa sidoo kale la arkay in ganacsiyada ay lumiyeen macaamiil iyo dhaqaale sababay in la xiro dukaamo badan.
Howlgalku wuxuu abuuray muran siyaasadeed iyo bulsho oo weyn, iyadoo madaxda maxalliga ah ee Minnesota ay ka soo horjeesteen ficillada ciidamada, islamarkaana ay jireen mudaaharaadyo iyo dacwooyin sharci oo lagu doonayey in howlgalka la joojiyo. Dad badan ayaa dhaleeceeyey sida ay ciidamada u dhaqmeen, gaar ahaan jidadka lagu sameeyey baaritaano baahsan.
Intii howlgalku socday, waxaa dhacay toogashooyin dad rayid ah ay ku dhinteen, taas oo sii kicisay carada bulshada dhexdeeda. Taas ka dib, cadaadiska bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka ayaa ugu dambeyn horseeday in howlgalku hoos loo dhigo lagana bilaabo soo afjaridiisa si loo dejiyo xaaladda Minnesota.
HBN ONLINE TV

