Somaliland oo lagu eedeeyay dil shacab ah oo ka dhacay Saylac iyo dhismaha maamul cusub oo lagu dhawaaqay

Wararka ka imaanaya magaalada Saylac ee gobolka Waqooyi Galbeed ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu aasay laba ruux oo la sheegay in lagu dilay deegaanka Indho-Biraale, kuwaas oo ay dad ka mid ah bulshada deegaanka ku eedeeyeen in dilkooda ay ka dambeysay Somaliland.

Aaska labada marxuum oo ay ka qeyb galeen dadweyne tiro badan ayaa qaar ka mid ah ehelada iyo dadka deegaanka warbaahinta u sheegeen in raggaasi ay ahaayeen shacab, iyagoo dilkooda ku tilmaamay mid la xiriira xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta arrintaas.
Dadka deegaanka oo tacsi u diray qoysaska marxuuminta ayaa sheegay in falkaasi ay si cad u fuliyeen ciidamada Milateriga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay dhacdada mid saameyn weyn ku yeelatay amniga deegaanka.

Dhanka kale, Ciidanka Somaliland ayaa shalay sheegay in howlgal amni oo ay ka fuliyeen deegaanka Indho-Biraale ku dileen 2 qof oo ay ku tilmaameen burcad hubeysan, halka 4 kale ay ku dhaawacmeen kadib iska caabin hubeysan oo ay kala kulmeen intii uu socday howlgalka.

Bayaanka kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay hub ay wateen maleeshiyaad, isla markaana baaritaanno dheeraad ah ay socdaan si loo xaqiijiyo dhammaan faahfaahinta la xiriirta dhacdada.
Dhanka kale, ilo wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdooyinkii ka dhacay Indho-Biraale ay saameyn ku yeesheen amniga iyo isku socodka magaalooyinka Saylac iyo Lughaya.

Isla wararkane, Qaar ka mid ah xildhibaannada Somaliland ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ka shaqaynayaan maamul la baxay sida hadalka u dhigeen Guban State oo ay tilmaameen in ay caasimaddiisu noqonayso magaalada taarikhiga ah ee Saylac.

Xildhibaannada ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in ay xasuuq ka geysatay sida ay ku doodeen Gobolka Awdal oo ay tilmaameen in dadkiisu ‘Midnimo-doon’ yihiin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed