AUSSOM oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ah oShabeellaha hoose

Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay howlgal milatari oo wadajir ah oo lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Bulunagaad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM, qaybtooda Uganda iyo saaxiibada caalamiga ah, waxaana lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad Alshabaab ah oo ku sugnaa agagaarka saldhig hore oo ay ciidamada ku lahaayeen Bulunagaad, iyadoo taageero cirka ah la adeegsaday.

AUSSOM ayaa sheegtay in isku-darka weerarrada dhulka iyo duqeymaha cirka ay keentay in si wax ku ool ah loo ciribtiro dagaalyahanno badan, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaalladan ayaa yimid kaddib markii Alshabaab ay weerarro ku qaadeen ciidamada huwanta xilli ay wadeen howlgallo lagu baacsanayo haraadiga kooxda ee laga saaray deegaanno ay ka mid yihiin Gendershe iyo waddada Jilib–Marka.

War-saxaafadeedka AUSSOM ayaa lagu xusay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin ololaha “Howlgalka Seefta Qarsoon”, isla markaana ciidamada huwanta ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta rayidka, iyo xaqiijinta in gargaar bani’aadannimo iyo sahay logistik ah ay si nabad ah u gaaraan bulshooyinka ay saameeyeen dagaalladu.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed