Somaliland oo ka digtay hadallo dagaal oo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa si adag uga digtay hadallo ay sheegtay inay ka soo yeereen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu tilmaamay baaqyo ku wajahan duqeyn iyo faragelin militari oo lagula kaco deegaanadeeda. War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa arrintan ku tilmaamay mid halis ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in hadalladaasi ay si cad uga hor imanayaan xeerarka caalamiga ah, shuruucda bini’aadantinimada iyo axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay yihiin hanjabaad toos ah oo lagu carqaladeynayo amniga iyo jiritaanka Somaliland. Waxay xustay in tallaabooyinka noocan ahi ay sii hurin karaan xiisado hor leh.

Somaliland waxay hadalkaasi ku tilmaantay mid xambaarsan hanjabaad dagaal iyo ku-takrifal awood ciidan.

Somaliland ayaa sidoo kale xustay in hadallada noocan ahi ay dib u xusuusinayaan dhacdooyinkii murugada lahaa ee sannadkii 1988, waxayna adkaysay inay xaq u leedahay is-difaac. War-saxaafadeedku wuxuu ku soo gabagabeeyay in Somaliland ay adeegsan doonto dhammaan waddooyinka sharci iyo diblomaasiyadeed si ay uga hortagto tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amnigeeda iyo xasilloonideeda.

Ma jiraan cid madaxbanaan oo xaqiijin karta eedeymaha ka soo yeeray Somaliland, mana jiro war rasmi ah oo dawlada Soomaaliya ka soo yeeray oo ku aadan hadaladan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed