Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sharci darro tahay waxkasta oo heshiis ah oo aanay iyadu waxba ka ogeyn

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa sheegtay in ay sharci-darro tahay wax kasta oo heshiis ah, ha ahaado nuuc ciidan ama amni siyaasadeed ama mid dhaqaale, oo cid kale lala galo haddii uusan heysan ogolaanshaheeda, taasi oo ka hor imaanaysa midnimada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, oo ka qeybgalay shir aan caadi ahayn oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamku ku yeesheen magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, ayuu ku sheegay in go’aankan uu yahay mid qaran. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xadgudubyo ay Israa’iil ku hayso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waa mabda’ cad oo si rasmi ah u jira in joogitaan kasta oo ciidan, amni, sirdoon ama istaraatiiji ah oo shisheeye oo ka dhaca dhulka Soomaaliya, iyada oo aan oggolaansho cad laga helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka dhigan yahay ku xadgudub madaxbannaanida dalka iyo sharciga caalamiga ah.” ayuu yiri wasiir Cabdisalaam.

Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in heshiis kasta oo lagu galo magaca Soomaaliya, kana baxsan oggolaanshaha Dowladda Federaalka, uusan dalka ka shaqeyn doonin, isla markaana haddii uu jiro uu yahay mid sharci-darro ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhulka iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ay si buuxda u saaran tahay Dowladda Federaalka.

“Heshiis kasta oo siyaasadeed, dhaqaale ama amni oo lala galo hay’ado hoos yimaada dalka (maamul-goboleedyo) kana baxsan nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya, waa mid sharci-darro ah isla markaana aan lahayn wax saldhig sharci ah” ayuu sii raaciyey Cabdisalaam.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay taagan yihiin dooddo iyo walaac la xiriira heshiisyo la sheegay in lagu galay magaca Soomaaliya, kuwaas oo aanay dowladda dhexe wax war ah ka hayn, arrintaas oo dowladda ku tilmaantay mid ka hor imanaysa dastuurka iyo shuruucda dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed