Sentor Dubbe iska casilay Aqalka sare ee Soomaaliya, kadib aqoonsiga Somaliland

Senator Cismaan Abokor Dubbe, oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iska casilay, isaga oo Waraysi gaar ah oo lala yeeshay uu ku sheegay inuu ka tanaasulay qadiyadda midnimada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeeya.
Dubbe, oo laga soo doorto deegaannada Somaliland isla markaana ka mid ahaa mas’uuliyiintii kasoo shaqeeyay laba xukuumadood oo dalka soo maray, ayaa sababta xil ka tagistiisa ku sheegay cadaadis uu sheegay in lagu hayo shacabka Somaliland, isagoo xusay inuu aqbalay aqoonsiga ay hadda helaan.

Dubbe ayaa wareysi gaar ah ku yiri: “Tii aan ka shaqaynaynay mar haddii ay soo xirantay, Xamar talo dambe loogu noqonayn, talo kalena la aaday, sabab aan u joognaa ma jirto.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in bilihii la soo dhaafay uu arrinta Somaliland kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan culeysyada jira, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ugu horreeyaan arrimaha hawada iyo wax wada qabsiga.

Cismaan Abokor Dubbe ayaa noqday xubintii ugu horreeyay ee iska casila Baarlamaanka Soomaaliya, sababo la xiriira aqoonsiga Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed