Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay hadal ka soo yeeray Israa’iil oo ku aadan in labada dhinac xiriir leeyihiin

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u beenisay jiritaanka wax xiriir diblomaasiyadeed ah ama xiriir kale oo Israa’iil kala dhaxeeya, kadib markii masuul Israa’iili ah ay sheegtay in ay wadahadallo la sameeyeen dalal badan oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ku jirto.

Cali Balcad, oo si gaar ah ula hadlay HBN Online TV ayaa sheegay in Soomaaliya aysan la lahayn wax xiriir rasmi ah ama mid siyaasadeed Israa’iil, isla markaana mowqifka dowladda federaalka uu yahay mid cad oo aan isbeddelin.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Israa’iil, Sharren Miriam Haskel-Harpaz, ay warbaahinta Israa’iil u sheegtay in ay xiriirro la sameeyeen dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa arrintan ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Hadaba horay ma u dhacday in Soomaaliya & Israa’iil xiriir dhexmaray?

Soomaaliya iyo Israa’iil marnaba ma aysan yeelan xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah tan iyo 1967-kii, xilli Soomaaliya ay si cad uga soo horjeesatay siyaasadaha Israa’iil ee ku wajahan Falastiin. Muddo tobannaan sano ah, Soomaaliya waxay ku adkaysatay taageerada ay u hayso shacabka Falastiin iyo go’aanka inay xiriir la sameyn Israa’iil.
Inkasta oo marar kala duwan ay soo baxeen warar sheegaya dadaallo qarsoodi ah ama xiriir hoose oo la isku dayay, dowlad kasta oo Soomaaliya soo martay waxay mar walba ku celisay in aysan jirin wax xiriir rasmi ah oo la sameysay Israa’iil.

Hadalkan cusub ee ka soo yeeray Israa’iil ayaa markale soo celiyay doodda ku saabsan xiriirka gobolka, balse dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in mowqifkeedu yahay mid aan leexleexad lahayn.

Xog la xariirta 

Hbn Online Tv

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed