Danab oo la sheegay in howlgal guuleystay ka fulisay Tooratoorow Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ciidanka Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Towfiiq oo hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo lagu qabtay xubno ka tirsan Alshabaab.

War saxaafadeedka soo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay laba xubnood oo mid ka mid ah la qabtay lagu magacaabay Sakariye, kaasi oo baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay sida hadalka loo dhigay wiilka Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha sare ee Alshabaab ee muddo la raadinayey.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay mooto, hub, iyo agab kale oo kooxda ugu talagashay sida hadalka loo dhigay falal argagixiso.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed