23-sano jirkaan oo mustaqbalkiisa uu noqday mawduuc joogto ah ee kooxda Chelsea haddaba maxay tahay sababata

Shaqsiyaad muhiim ah oo Chelsea ah ayaa lagu soo waramayaa inay isku khilaafsan yihiin in Conor Gallagher la iibiyo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Kaliya seddex ciyaaryahan – kuwaas oo kale  ah : Thiago Silva iyo Enzo Fernandez – ayaa ku soo bilowday Premier League sida Gallagher intii lagu jiray 2023-24.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoon loo eegin maqaamkiisa sare ee naadigiisa , 23-sano jirkaan mustaqbalkiisu wuxuu ahaa mawduuc dood joogto ah.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, dad badan oo daaha gadaashiisa ku sugan Stamford Bridge ayaa doonaya in ay dhageystaan dalabyada  xiddiga heerka caalami ee dalka England.

Gallagher ayaa in ka badan 18 bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa, Chelsea ayaana u baahan inay iibiso sida ugu dhaqsaha badan haddii ay helaan ​​qiimaha ay ku rabaan ee suuqa kala iibsiga, laakiin la iskuma raacsana.

Qiimaha 40 milyan ginni ayaa la soo jeediyay markii hore, laakiin kooxaha xiiseynaya waxay ka warqabaan in  Chelsea la dhimi doono qiimhaas haddii ay yimaadaan xagaaga soo aadan iyadoo Gallagher uu weli kooxda joogo oo uusan qalinka ku duugin heshiis cusub.

HBN SPORS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed