Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay iska hor imaadkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Hargeysa, kaddib markii ay isku dhaceen ilaalada ka tirsan garoonka Hargeysa ee Cigaal iyo ciidamada hab-maamuuska madaxweynihii hore Somaliland Muuse Biixi.
Wasiirka Duulista hawada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaladka ugu weyn uu ka yimid masuuliyiinta hab-maamuuska Muuse Biixi, kuwaas oo aan horey ula soo wadaagin masuuliyiinta garoonka iyo laamaha amniga xogta safarka madaxweynaha, taasine ay dhalisay is-faham la’aan amni.
Fu’aad wuxuu xusay in dhacdadu ay ka dhalatay “khalad dhanka hab-maamuuska ah,” isla markaana aysan jirin wax qorshe dagaal ama iska hor imaad ula kac ah oo jiray, balse ay ahayd xaalad ka dhalatay wixii u ekaa in amni la jabiyay.
Sidoo kale, Booliska Somaliland ayaa soo saaray war ay kaga hadlayeen iska hor imaad maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa. Afhayeenka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in dhacdadu bilaabatay kadib markii qaar ka mid ah ilaalada madaxweynihii hore, ilaalada madaarka iyo dad shacab ah ay isku dhaceen, sababtuna ahayd dad badan oo isku dayay in ay xoog ku galaan garoonka.
Boolisku wuxuu caddeeyey in aanay jirin cid wax ku noqotay, islamarkaana la amray in la soo xidho ciidan rasaas kor u riday, isla markaana loo magacaabay guddi baaritaan ah.
Xukuumadda Somailand waxay sheegtay in baaritaan rasmi ah lagu sameynayo sababtii dhabta ahayd ee keentay dhacdada, si looga hortago in mar kale ay dhacdo is-faham la’aan noocan oo kale ah oo ka dhex dhalata hay’adaha amniga iyo qaybaha hab-maamuuska.
Goor hore oo maant ah, Xisbiga Kulmiye iyo xubno ka tirsan saaxiibada Muuse Biixi ayaa ku eedeeyey xukuumadda Somaliland inay si ula kac ah u hor istaagteen safarka madaxweynihii hore, iyaga oo dhacdada ku tilmaamay mid “aan la aqbali karin” oo dhaawac ku ah maamuuska madaxda qaranka.
Hbn Online Tv

