Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay awaamiir culus oo looga jawaabayo dhacdooyinkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo waaran nolol iyo geeri loogu soo qabanayo loo jaray dad la sheegay inay kaalin ku lahaayeen falalkaas.
Maxkamadda ayaa sheegtay in dadka la beegsanayo ay ka mid yihiin masuuliyiin xasaanad leh, hase yeeshee faahfaahinta masuuliyadda ay hayeen, balse kaalin ku lahaa sida hadalka loo dhigay dhacdooyinkii dhamashada badan ee sababay ee gobolka ka dhacay.
Xeer-ilaalintu waxay cadeysay in howlgal la fuliyey uu horseeday soo qabashada eedeysanayaal loo heysto falalkii is-xigxigay ee gobolka ka dhacay. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhacdo kale oo ka dhacday degmada Yaaqberiweyn ay sababtay dhimashada 5 ruux iyo dhaawac gaarey 5 kale.
“Nolol iyo Geeri midkood halagusoo qabto Masuuliyiin Xasaanad leh oo dhacdooyinkii Wanla-weyn ka qeyb-qaatay Maxkamadda Ciidamada ayaana la saarayaa” ayaa lagu yiri warka Maxkamadda oo sida adag loo amray ciidamada Danab ee fadhigoodu yahay degmada inay soo qabtaan dadkaasi.
Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ragga la soo xiray dhacdaani ay kala yihiin Saalax Xuseen Cali, Cabdixamid Cabdullaahi Siidow, iyo Dahir Mukhtaar Shiribow, kuwaa oo lagu wareejiyey Maxkamadda Ciidamada.
HBN ONLINE TV

