Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamianyo ayaa galabta gaaray caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.
Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal sida lagu baahiyay Warbaahinat Dowladda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

