Maxay yihiin ciidamada cusub ee Puntland keentay Garoowe?

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta waxaa soo galay ciidamadii ugu horreeyey ee ka tirsan booliiska cusub ee loogu talagalay inay la wareegaan amniga magaalada. Ciidamadan ayaa wata gaadiid ay ku xardhan yihiin astaanta calanka Puntland oo ay ku sawiran tahay faras, waxaana gaadiidkaas ka mid ah Cabdibileyaal iyo Basaas.

Markii ciidamada soo galeen magaalada, wadooyinka Garoowe waxaa buux dhaafiyay dadweyne badan oo soo baxay si ay u soo dhaweeyaan. Dadkaasi ayaa ciidamada ku qaabilay sacab iyo erayo dhiirrigelin ah. Haweeney ka mid ahayd dadka soo dhaweynta sameynayay ayaa tiri: “Ku soo dhowaada Garoowe, meel la idinka jecelyahay.”

Qof ka mid ah masuuliyiinta qaybta ka ah soo dhaweynta ciidamada ayaa ku dhawaaqay codbaahiye sare, isagoo yiri: “Qofna ma dhaqaaqi karo ilaa ciidamada gudbaan.”

Puntland ayaa sheegtay in qorshahan uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana ciidamadii hore ee ilaalinta magaalada Garoowe gabi ahaanba lagu beddeli doono booliiskan cusub, si loo xaqiijiyo amni buuxa oo joogto ah oo caasimaddu hesho.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in ciidankan cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hagaajinta iyo tayeynta nidaamka amniga magaalada, kadib markii marar badan la dhaliilay qaabka amni ee hore u jiray.

Inkastoo dadka magaalada ay soo dhaweeyeen ciidankan, waxaa jira su’aalo muhiim ah oo la is weydiinayo: Sidee loo xaqiijin doonaa joogtaynta amniga muddo dheer? Ma tahay tallaabadan mid bilow u ah dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo booliiska Puntland?

Xog la xariirta

Deni oo sheegay in Ciidamada Cusub lagu wareejin doono amniga Garoowe, lagana saari doono kuwii hore

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed