Ciidamada Kenya oo dilay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo ka talaabay xadka

Ciidamada gaarka ah ee Kenya (KDF) ayaa sheegay in gudaha dalkaasi lagu maanta 5 dagaalame oo Alshabaab ah, kadib howlgal sirdoon ku salaysan oo ka dhacay Kaynta Boni, gaar ahaan deegaanka Lacta Mangai ee Lamu.

Waxaa la soo qabtay hub iyo agab qaraxyo lagu sameeyo, iyadoo KDF ay sheegtay in kooxdaasi carqaladeyn rabeen amniga dalka. Ilo ciidan ayaa xaqiijiyay in cutubka khaaska ahi ay dagaal culus la galeen dagaalamayaasha ka hor inta aan la dilin.

Waxa la soo qabtay hub kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha AK-47, RPG iyo madaxyadooda, rasaas, qalab qoraxda ku shaqeeya, teendhooyin iyo agab loo adeegsan jiray sameynta qaraxyada la farsameeyo.

Kaynta Boni ayaa muddo dheer hoy u ahayd Alshabaab, waxaana halkaasi ku soo kordhay weerarrada ka dhanka ah ciidamada amniga, oo ay ka mid yihiin qaraxii bartamihii bishii hore ee Luulyo lagu dilay 3 askari iyo weerar bishii May lagu dilay 5 askari.

Mas’uuliyiintu waxay ugu baaqeen shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, iyagoo ballanqaaday in hawlgalladu socdaan ilaa Alshabaab laga saarayo gebi ahaanba gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed