Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay bannaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayeen shacabka magaalada, kuwaas oo si cad ugu muujinayey diidmo xoogan oo ay u qabaan awaamiir la sheegay in ay ka soo baxeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka.
Dadka bannaanbaxa dhigayey ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah joogitaanka ciidamada Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay in ay xadgudub ku yihiin madaxbannaanida, midnimada iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxay si cad u codsadeen in Ciidamada Itoobiya ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Gedo, ay dib ugu laabtaan dalkooda, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo isku-duubnida bulshada Soomaaliyeed.
Boorarka ay siteen bannaanbaxayaashu ayaa xambaarsanaa farriimo toos ah sida oo diidmo u ah Itoobiya, iyaga oo ciidamada dowladdane loo muujiyey hiilo. “Dowladda Itoobiya darisnimo haa, faragalin maya” iyo “Waxaan taageersanahay Ciidamada xoogga dalka”
Bannaanbaxyada oo u muuqday in si abaabulan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Beledxaawo, halkaas oo ay ka jeedinayeen hadallo ka dhan ah faragelinta shisheeye.
Falkaani wuxuu imaanayaa ka dib markii ciidamada Itoobiya ay la sheegay in ay bixiyeen amar ah in Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya saddex maalmood gudahood uga baxaan Beledxaawo, arrintaas oo shacabka ay u arkeen mid ku xadgudbeysa awoodda dowladnimada Soomaaliyeed.
Dadka magaalada ayaa dareemaya in awood ciidan lagu cabburinayo go’aamada dowladda dhexe, taas oo horseedday caro baahsan oo bulshada ka dhex abuurantay. Waxaa sidoo kale la sheegay in bannaanbaxyo la mid ah kan Beledxaawo laga dhigay magaalada Doolow, taasoo muujinaysa baaxadda ballaaran ee diidmada shacabka ee ku aaddan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka.
HBN ONLINE TV