Waxaa caaaw xasilooni laga dareemayaa Magaalada Beledxaawo oo habeenkii labaad gacanta ay ugu jirto Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, kadib dagaallo socday shantii maalin ee la soo dhaafay oo ay la galeen ciidamada Jubbaland.
Ciidamada DFS ayaa bilaabay hawlgallo amni iyo dib u dejin ah, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay inay si nabad ah ugu soo laabtaan maagalada.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Jubbaland ka tirsanaa ay is dhiibeen, kuna biireen DFS, taasoo fududeysay la wareegidda magaalada. Mas’uuliyiintii Jubbaland ayaa la sheegay inay uga bexeen gobolka magaalada Mandheera, wallow aanay wax war ka soo bixin Jubbaland iyo masuuliyiintaba.
HBN ONLINE TV