In ka badan 100 waddo oo lagu wado Muqdisho in dib loo furo

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in dib loo furo in ka badan 100 waddo oo horay u xirnaa gudaha magaalada Muqdisho, taas oo la rumaysan yahay in ay kaalin ka qaadan doonto dib isu socodka caasimadda iyo yareynta saxmadda ka jirta magaalada.

Sida qorshuhu uu yahay labada todobaad ee soo socda ayaa la filayaa in la billaabo dib u furista waddooyinkaan oo dhan 108, kadib amar ka soo baxay Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiiru dowladaha Gaadiidka Cabdikariin Caddow Xaydar.

“15-ka bari ee soo socda ayaa la rajeyhaa in wadooyinka Caasimadda la furo. waxaa la furi doonaa 108 wado” ayuu yiri Wasiir Cabdikariin Xaydar, isaga oo ka gaabsaday inuu xuso wadooyinka la furi doono, balse wuxuu carrabaabay in seddex heer loo kala qaadi doono furitaanka waddooyinka magaalada.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda todobaadlaha ayaa warbixin looga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Wadooyinka Muqdisho xirnaa muddo ka badan 10 sanno , iyada oo loo xiray sababa amni sida ay sheegeen laamaha amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay sanadkaan guddi soo baara jaamka ka jira magaalada Muqdisho oo ay cabasho ka keeneen shacabka magaalada.

Guddigaan ayaa xusay in ka badan 60% waddooyinka magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, taas oo ay sheegeen in ay keentay saxmadda caasimadda ka jirtay. Dib u furitaanka waddooyinkaan ayaa la rumaysan yahay in wanaajin doonta helitaanka adeegyada degdeg ee bulshada u baahan tahay, waxaana lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir iyo Xukuumadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed