Mas’uuliyiinta Masar ayaa diiday dalab Mareykanku u soo jeediyay oo ahaa in uu ka qeyb galo xallinta khilaafka biyo-xireenka Itoobiya ee u dhaxeeya Qaahira & Addis Ababa, taas beddelkeedana Masar ay oggolaato qorshaha Israa’iil ee lagu dhisayo “xero ciqaabeed” oo ay Israa’iil ugu yeertay magaalada “bini’aadamtinimada” koonfurta Gaza, sida uu qoray wargeyska ah Al Carabi Al Jadeed.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Masar ayaa si cad u diiday soo-jeedinta uu Mareykanku hor dhigay, taasoo ahayd in uu dhex-dhexaadiyo si loo soo afjaro xiisadda ku saabsan biyo-xireenka Itoobiya, iyadoo shardi looga dhigay in Qaahira ay oggolaato in Israa’iil ay ku barakiciso shacabka Gaza gudaha magaalada Rafah, sida ay u xaqiijiyeen ilo diplomaasiyadeed wargeyska Al Carabi Al Jadeed.
Diblomaasi Masri ah ayaa u sheegay warbaahintaas in maamulka Trump uu soo bandhigay waxa uu sarkaal Mareykan ah ugu yeeray “faragelin go’aami ah” si loo xalliyo khilaafka ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya.
Beddelkeedana, Masar waxaa laga doonayay in ay taageerto qorshaha Israa’iil ee ah in malaayiin reer Falastiin ah lagu xiro xero ciqaabeed ku dhow xuduudka Rafah.
HBN Online TV